Jeneraal Xuud sharaxaad ka bixiyey sababta uu ku diiday hoggaanka cusub ee HirShabeelle

0

Iyadoo ay ka sii dareyso xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee u dhaxeysa ciidmada dowladda federaalka iyo jabhad uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud, ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Jeneraal Xuud.

Jeneraal Xuud oo wareysi siiyey BBC-da isaga oo ku sugan deegaanka Ceelgaal ee duleedka magaalada Beledweyne ayuu yri, “Maamulka HirShabeelle markii horaba sharci darro ayaa lagu dhisay, iyadoo ay sidaa tahay ayaa hadana la baalmaray heshiiskii hore ee dhinaca awood qeybsiga, kaas oo ahaa in madaxweynuhu ka yimaado gobolka Hiiraan.”

“Waxaa mas’uul ka ah arintaan dowladda dhexe ee federaalka oo ujeedada ay ka leedahay oo kaliya tahay in ay halkaa ka hesho xildhibaano marka dambe iyaga dib u soo doorta” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaan la hadalnay doorashadii Jowhar ka dhacday ka hor, laakiin ninkan madaxweynaha sheeganaya waxuu nagu yiri aniga Nabad iyo Nolal ayaa i wadata, marka anigu Cali Guudlaawe madaxweyne uma aqaan, mana imaa karo Beledweyne, waxaana leeyahay war iga joog Allahaa haduu Alle yahay.”

Hadalka Jeneraal Xuud ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay banaanbax looga soo hor jeedo weerarkii ay ciidamada dowladda federaalka ku qaadeen jabhadiisa uu ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.