Dowladda Soomaaliya Oo Ceyrisay Safiirkii Dalka Kenya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka cayrisay Safiirka dalka Kenya u fadhiya Soomaaliya, waxaana lagu amray in uu dalkiisa ku laabto si deg deg ah.

Sidoo dowladda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Maxamed Nuur Tarsan, iyada oo safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya fartay inuu la tashi ugu laabto dalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Maxamuud M Nuur Tarsan, iyada oo safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya fartay inuu la tashi ugu laabto dalkiisa.” Ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Lama oga sababta ka dambeysa in lagu amro Safiirka Kenya in uu dalka ka baxo, waxaana xusid mudan in  xiriirka u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid aan wanaagsanayn.