Dowladda Somalia Oo Heshiis Cusub La Gashay Sanduuqa Maalgelinta Qatar

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa maanta aaladda fogaan aragga Zoom-ka uga qeyb galay shir heer caalami ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaan loo qabtay shaacinta heshiis dhexmaray Wasaaradda waxbarashada, sanduuqa maalgelinta dowladda Qatar iyo mu’asasada Education Above All.

Heshiiskaan ayaa loogu talagalay in arday ka badan 57,000 (Konton iyo todobo kun) oo aan awoodin inay waxbarasho aadaan lagu taakuleeyo.

Shirka ayaa waxaa Wasiirka ku wehlinayay agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Ismaciil Yuusuf Cismaan, kaasi oo ku qabsoomay aada fogaan araga ah loo yaqaano ZOOM-ka.