Dhaq-Dhaqaaqa Haweenka Somaaliyeed Oo Baaq U Diray DFS Iyo M/Goboleedyada

0

Dhaq-dhaqaaqa haweenka Soomaaliyeed ayaa taageeray War-murtiyeedkii khamiistii lasoo dhaafay kasoo baxay Shirkii Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ee ugu qabsoomay hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Dhaq-dhaqaaqa haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in War-murtiyeedkii Shirka Musharaxiinta si cad loogu muujiyay qodobka 7-aad xaqiijinta qoondada haweenka ee 30% ee laga siiyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomalaiya.

Sidoo kale Dhaq-dhaqaaqa haweenka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in sanadkaan 2020 Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka aysan muujin wax qorshe cad ah oo lagu fulinayo qoondadii haweenka kaas oo lagu heshiiyey 2012-kii.

Hoggaanka Dhaq-dhaqaaqa haweenka waxaa kaloo ay sheegeen inay u taagan yihiin inay la fariistaan qof walba oo talo ku leh xulidda Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee doorashada 2020-2021.

Ugu dambeyn Hoggaanka Dhaq-dhaqaaqa haweenka ayaa baaqay madaxda dowladda dhexe iyo Madaxda dawlad Goboleedyada oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxwaynayaasha dawlad goboleedyada in ay ilaaliyaan heshiisyadii horay loogu heshiiyey ee ahayd xaqiijinta qondada haweenka boqolkiiba sodon (30%).

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed kasoo baxay Hoggaanka Dhaq-dhaqaaqa Haweenka.

Bayaan ay soo saareen dhaq-dhaqaaqa haweenka Soomaaliyeed ee Hoggaami Hadda

November 27, 2020.

 Dhaq-dhaqaaqa haweenka Soomaaliyeed ee Hoggaami Hadda (LeadNow), waa dhaq-dhaqaaq iyo madal u taagan u qareemidda iyo hirgalinta kor u qaadida ka qayb-galka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee dowladda. Hoggaami Hadda waxay u taagan yihiin inay la fariistaan qof walba oo talo ku leh xulidda xildhibaanada golayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee doorashada 2020-2021.

Halganka loogu jiro ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda waa mid muddo soo socday, kaas oo ugu danbayn sanadkii 2012 lagu heeyiishay in haweenka la siiyo qoondo dhan soddon boqolkiiba (30%), xiligaas oo lagu guuleystay in lasoo gaarsiiyo tirada haweenka ee baarlamaanka galay ilaa laba iyo toban boqolkiiba (12%). Sidoo kale doorashadii 2016 kii waxaa lagaarsiiyey boqolkiiba labatan iyo afar (24%) labada aqal isugayn. Hadaba, 2020 waxaa muuqata inaysan dawlada dhexe iyo dawlad gaboleedyada aysan muujin wax qorshe cad ah oo lagu fulinayo qoondadii haweenka kaas oo lagu heshiiyey 2012 kii. Haddaba iyadoo laga duulayo muhiimadda matalaadda haweenka ayaa dhaq-dhaqaaqu wuxuu soo saaray bayaan ka kooban qodobada soo socda:

  1. Dhaq-dhaqaaqu wuxuu soo dhawenayaa war-murtiyeedkii ay 26-da November 2020 soo saareen madasha murashaxiinta doorashada 2020-2021, kaas oo si cad loogu muujiyey qodobka 7-aad xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%.
  2. Sidoo kale waxaan soo dhaweyneynaa qodobka 8-aad ee war-murtiyeedka murashaxiinta, kaas oo sheegaya in la helo kor-joogto ay ka mid yihiin ururada bulshada rayidka ah, qareenada, murashaxiinta iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashada.
  3. Hoggaami hada waxaa ay muujinaysaa welwel ku adan haweenku in aysan jirin dadal lagu muujinayo qoondadii sodon boqolkiiba (30%) oo awalba aan si buuxda loo helin.
  4. Dhanka kale dhaqdhaqaaqu waxa uu ka wal wal qabaa guddiyada doorashada heer federal iyo heer dawlad goboleed labadaba oo haweenku aysan ku lahayn qaybtoodii.

Gunaanad

  1. Hoggaami Hadda waxay baaq u dirayaan madaxda dowladda dhexe iyo madaxda dawlad goboleedyada oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha, raíisalwasaaraha iyo madaxwaynayaasha dawlad goboleedyada in ay ilaaliyaan heshiisyadii horay loogu heshiiyey ee ahayd xaqiijinta qondada haweenka boqolkiiba sodon (30%). Sidoo kalena ay haweenku helaan matalaad buuxda gudiyada heer faderal iyo heer dawlad goboleedba.
  2. Ugu danbay, dhaq-dhaqaaqa ayaa ugu baaqaya madaxda dowladda Federaalka ah iyo madasha murashaxiinta mucaaradka inay is faham siyaasadeed ka yeeshaan geedi socodka doorashooyinka dalka, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed, loona xaqiijiyo doorasho hufan, daahfuran oo ku dhacda waqtigii lagu heshiiyey.

Ka qayb-galka haweenka ee goáan qaadashada iyo siyaasaddu waxaa uu muhiim u yahay in Soomaaliya ay noqoto dal mawaadiniintoodu wada leedahay oo loo siman yahay isla markaana horumarsan oo caddaalad ay ka jirto. Haweenka Soomaaliyeed iyo dhaq-dhaqaaqa Hoggaami Hadda kama daali doonaan hayaanka raadinta xuquuqda siyaasiga ah ee haweenka, mana nasan doonaan ilaa laga helayo sinnaan siyaasadeed oo ka hirgasha dalkeena Soomaaliya. Haweenka Soomaaliyeed waxay ka filayaan madaxda kor ku xusan inay meel mariyaan qoondada haweenka ugu yaraan sidii ay sameeyeen dowladihii ka horeeyey dowladda hadda jirta.

 

Dhammaad