DHAGEYSO:-Macalinkii dilaaga ahaa Ilkacase & Kooxdiisi oo Lagu toogtay Muqdisho

0

Saaka fagaaraha dugsiga tababarka Booliska ee General Kaahiye waxaa lagu toogtay Maxamed Xaaji Axmed oo loo garan ogyahay Ilka case iyo saaxiibadiisa ee kala ahaa Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, kuwaas oo la tilmaamay in magaalada Muqdisho dadka badan ay ku dileen.

Ilka case ayaa lagu xasuustaa wareysi laga qaaday in uu ku sheegay, isaga oo aan wax cabsi ah ka muuqan hababka ay dadka u dili jireen, isaga iyo saaxiibadii ee saakay la toogtay.

Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase ayaa ka mid ahaa Toddoba nin oo maxkamadda milatariga ay ku xukuntay dil toogasho ah, dabayaaqada bishii December ee sanadkii hore ee 2019kii.  waxaase mas’uuliyiinta amniga iyo maxkamaddaba uu u sheegay inuu dagaalamayaasha Al-Shabaab u qaabilsanaa hawlgallada magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Axmed ayaa waxaa dhalay sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, islamarkaana waxa uu ahaa bare Luuqadda Ingiriiska ka dhiga qeybo kamid ah Iskoollo iyo jaamacadaha ku yalla magaalada Muqdisho.

Dhowr jeer ee hore ayaa sidaan oo kale maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dil toogahso ah ugu fulisay rag loo xakumay Shabaabnimo islamarkaana geystay dilal.