DFS oo sheegtay in hawlgal ay ku dishay xubno Shabaab ah

0

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Geel-gub oo 10 km ujira degmada cadalle ee gobolka shabellaha dhexe ayaa la sheegay in lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa al shabaab.

Howlgalkaan ayaa lagu dilay sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada milatariga ee howlgalka qaaday 8 ka tirsanaa dagaalamayaasha al-shabaab iyadoona la dhaawacay 11 kale.

Saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in muddada howlgalkaan uu socday ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan al shabaab kuwaasi oo la qorsheynayo in muqdisho loosoo qaado inkastoo tiradooda aanan la sheegin.

Wararka ayaa intaaa ku daraya in ciidamada xoogga dalka ay soo furteen saanad ciidan kuwasi oo la sheegay in laga soo qaaday fariisimada dagaalamayaasha al shabaab ay ku lahaayeen deegaanka geel-gub ee gobolka shabellaha dhexe.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Gen. OdowaaYuusuf Raage oo hadlay idaacadda ku hadasha afka ciidamka ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha al shabaab inta gacantooda laga saarayo deegaannada iyo degmooyinka ay ka maamulayaan gobolada dalka.