Deg deg: Xildhibaan Mustafe Dhuxulow oo lagu Xidhay Garoonka Hargeisa

0

Wararka aanu ka helayno magaalada Hargeisa ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ahna musharrax madaxweyne ayaa maanta lagu xidhay magaalada Hargeysa,

Xadhiga Xildhibaan Mustafe Dhuxulow ayaa yimid xilli uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeisa.

Lama Xaqiijin karo  inuu Safarkiisu ku wajahnaa Hargeisa, iyo inuu   Meel kale uga sii gudbayey (Transit).

Hargeisa inta badan waxaa lagu xidhaa Dhalinyaradda kasoo Noqda Muqdisho,  Balse  Ma jirin Siyaasiyiin Xilal ka haya DF Soomaaliya oo lagu xidhi jiray Hargeisa, Kuna dhiiran jiray inay tagaan.

Balse Waxaa jira Siyaasiyiin Xilal kasoo qabtay  DFS oo Cafis ka dalbada Somaliland, kadibna sidaas ku taga Hargeisa, kuwaasi oo u badan Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland, waxaana ugu dambeeyay  Maxamed Cumar Carte oo Xildhibaan iyo Raysal wasaare ku xigeen kasoo noqday DF Soomaaliya, hadana ku sugan magaalada Hargeisa.

Si kastaba ma jiro War rasmi ah oo Weli kasoo baxay Xukuumadda Somaliland, oo looga hadlay Xadhiga Xildhibaan Mustafe Dhuxulow.