Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo booqasho ku yimid Muqdisho

0

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Christopher Miller ayaa booqasho aan horay loo shaacin saacadihii la soo dhaafay ku yimid magaalada Muqdisho, kaas oo noqday mas’uulkii u horeeyay ee wasaaradda difaaca Mareykanka ka socda oo booqasho ku yimaada Soomaaliya.

Miller ayaa muddo saacado ku sugnaa Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa halkaas kula kulmay xubno ka tirsan ciidamada Mareykanka, sida ay shaacisay warbaahinta Mareykanka.

Xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa ka soo safray saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti, waxaana imaatinkiisa Muqdisho ku soo aaday, iyadoo maamulka Trump uu shaaciyay inuu Soomaaliya kala baxayo ciidamada ku sugan oo gaaraya ku dhowaad 700 askari. Mareykanka ayaa Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka taageera dhanka tababarada iyo la dagaalanka Al-Shabaab, iyadoo howlgalada ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones ku beegsadaan xubnaha sare ee Al-Shabaab