Qatar Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Is-Miidaaminta Ahaa Ee Muqdisho

0

Dowladda Qatar ayaa si kulu u Cambaareysay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaaladab Muqdisho gaar ahaan Maqaayada Devino, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qatar ayaa sheegtay inay siweyn uga soo horjeedo qaraxaas lala beegsaday dad u dhalinyaro oo fadhiyay Maqaayada Devino oo ah goob lagu iibiyo Mac-macaanka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.

Sidoo kale Qatar tacsi u dirtay qoyska dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdish iyo Madaxda dowladda Federaalka, iyagoona tilmaamay inay garab taagan yihiin dowladda  Soomaaliya.

8 Dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ku sugnaa xiligii uu qaraxu dhacaayay Maqaayada Devino, isla markaana waxaa Mas’uuliyada qaraxa sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa, waxaana Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu sheegay in Dowladda ay ka xuntay  wixii dhacay, iyagoona tacsi u diray qoyska dadkii goobta ku naf-waayay.