Duqeyn Iyo Dagaalkii Ugu Cuslaa Oo Ka Socda Magaalada Mekelle

0

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Caasimadda Ismaamulka Gobolka Tigree-ga ayaa sheegaya in Goordhow halkaas ay ka bilaabatay duqeyn xoogan oo ay wadaan diyaaradaha dagaalka Itoobiya.

Hoggaamiyaha Tigree-ga Debretsion Gebremichael oo la hadlay Wakaalada Wararka Reuters ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Itoobiya ay duqeyn ka bilaabeen Caasimadda Gobolka ee Mekelle, isla markaana uu socdo dagaalkii ugu adkaa ee ugu dhexeeya labada dhinac.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Debretsion in xiligaan ay ku socoto duqeyn xoogan oo jugteeda laga maqlayo gebi ahaan Caasimadda, ayna arrintaas ku lug leeyihiin Ciidamada Dowladda Erateriya, isagoo u jeediyay eedeyn kulul.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo Magaalooyin dhowr ah oo ku teedsan Gobolka Tigree-ga oo saakay ay la wareegeen Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa adeg in xog dheeraad ah laga helo aaga uu dagaalku ka socdo, maadaama ay weli go’an tahay Isgaarsiintii deegaanka, waxaana Afhayeen u hadlay Itoobiya uu sheegay in aysan duqeynin goobo ay degan yihiin shacab ah.

Khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed ayaa ka dhashay dagaalka ka socda ee u dhexeeya Ciidanka Milateriga dowladda Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigree-ga, kaasi oo galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah.