Banaanbax Rabshado Wata Oo Ka Socda Baladweyne Iyo Xaalada Oo Kacsan

0

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdka Banaanbax xoogan oo ay dhigayaan inta badan dadka deegaanka Magaaladaas, sida aan wararka ku heleyno.

Boqolaal qof oo isugu jira dhalinyaro, Caruur, Haween iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Baladweyne, iyagoo ah kuwo aad uga soo horjeeda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Banaanbaxayaasha  ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin erayo ay uga soo horjeedan Maamulka Hirshabeelle, sidoo kalena sheegay inay siweyn uga horjeedan Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Doorashii ka dhacday Jowhar.

Sidoo kale qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa xirtay waddooyin waaweyn oo ku dhex yaalla Magaalada Baladweyne, iyagoona ku jaray dhagxaan iyo birro, isla markaana mararka qaarkood gubaya taayaro waaweyn oo uuro madow cirka isku shareertay.

Qaar kamid ah dadka dhigaaya banaanbaxa rabshadaha wata ee socda oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay inay taageero weyn u hataan Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame oo Maleeshiyaad hubeysan ku haysta duleedka Baladweyne, kaasi oo kasoo horjeeda Cali Guudlaawe iyo maamulkiisa.

Xaaladda Baladweyne ayaa saaka ah mid aad u kacsan, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in goobaha ganacsiga inta badan ay xiran yihiin, dadkuna ay ka qeyb qaadanayaan banaanbaxa xoogan ee halkaas ka socda.