Xal Laga Gaaray Xiisad Sababtay In La Xirto Waddo Muhiim Ah

0

Maamulka Galmudug oo kaashanaya ciidamada amniga qaranka gaar ahaan ciidamada boliiska iyo kuwa xoogga dalka ayaa ku guuleeystay xalinta xiisad colaadeed maalmihii u danbeeyay ka jirtay deegaannada Baxdo-gaabo iyo wanakiir oo ku yaalla xadka kala qeybiya gobollada Mudug iyo Galguduud, kuwaas oo ka dhashay muran ku aaddan baraago iyo bacaha biyaha lagu keydiyo.

Ciidamada ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa gabi ahaanba aasay baraagihii iyo biyo keydiyaashii kale ee muranku ka jiray. Qaar ka mid odayaasha deegaanadaasi ayaa ka mahad celiyay tallaabooyinka uu qaaday maamulka Galmudug, iyagoo xusay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

Taliyaha qeybta boliiska gobalka Mudug gaashaanle dhexe Qaasim Shirdoon Cali ayaa tilmaamay kaalinta ciidanka booliiska fadaraalka ee ka howlgala magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ay ka geysteen xalinta xaaladaha kasoo cusboonaaday deegaanadasi, isagoo sheegay in is afgarad wanaagsan laga gaaray arrintaan.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada baarlamaanka Galmudug xildhibaan Yoonis Maxamed Shaare ayaa ka mahad celiyay dadaalka ciidamda amniga qaranku ay uga qeyb qaateen xalinta xaaladaha ka jiray deegaannada Baxdo gaabo iyo Wana kiir.