DHAGEYSO:-Dad Loo Qabtay Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

0

Ciidamada ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Puntland ayaa xalay howlgal kala duwan ka sameeyay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gaalkacyo.

Howlgalka ayaa waxaa lagu qabtay shabakad looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay fiidnimadii hore lagu weeraray Ciidamo  ka tirsan kuwa amniga Magaalada, xili ay ku sugnaayeen Bar koontarool.

Saddex ruux oo lagu tuhamayo weerarkaas ayaa laamaha amniga gacanta ku dhigeen, sida sheegeen Saraakiisha amniga Puntland, kuwaasi oo ku xiran Saldhig Ciidan, isla markaana ay ku socdaan baaritaano.