DAAWO:-Daahir Geelle “Khatar Ayaa Kusoo Wajahan Dimuqraadiyada Curr-Danka Ah Ee Somalia”

0

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay shirweynaha Maanta Musharaxiinta uga furmay Magaalada Muqdisho.

Daahir Geelle oo la hadlay warbaahinta kadib markii uu soo gaba-gaboobay shirka maalintii koowaad ayaa waxaa uu sheegay in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha xiligaan ay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curr-danka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Musharaxiinta inay isu yimaadeen, isna cafiyeen ayna meesha ka saareen madmadowgii dhex-dooda ahaa, isla markaana meel uga soo wada jeestaan marxalada kala guurka ah ee dalka.

Sidoo kale Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa uu tilmaamay in baaqooda uu yahay nabad iyo dowladnimo sal adag iyo doorashada dalka oo ku dhacda si nabad oo xor ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara qalalaase.

“Baaqeynu waxaa uu yahay nabad iyo dowladnimo sal adag, doorashooyin xor ah oo xalaal ah, xukunka hadda jira aan lagu heysan inay tartamaan balse qalooca ay geliyeen doorashada ay rabaan inay saxaan” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.d