Al-Shabaab oo weeraray saldhig ciidamada DF ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib

0

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in xalay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal saacado socday uu dhex maray labada dhinac, isla markaana ay dhinacyadu isku adeegsaday hub culus.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno deegaankaas ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, gaar ahan kuwa xoogga dalka ay hadda ku suganyihiin, isla markaana ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid Al-Shabaab.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, welina labada dhinac wax faahfaahin ah kama bixin dagaalkaas.