Wasiir Cawad oo Xilkii Laga Qaaday, Kuna Gacan saydhay inuu Xil Cusub Qabto

0

Wareegto ka soo baxay Ra’iisul Wasaharaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka looga qaaday wasiirkii arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar,

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa wareegtada ka akhriyay Telefishinka Qaranka, ayada oo uusan sheegin sababta xilka looga qaaday Cawad.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loogu magacaabay Axmed Ciise Cawad inuu noqdo safiir, balse lama sheegin dalka.

Xil ka qaadista Cawad ayaa timid 24 saac kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda ay boggeeda twitter ka saartay qoraal looga hadlayey xaaladda dagaalka Ethiopia, qoraalkaas oo Cawad uu sheegay inuu ahaa mid aan sax ahayn.

Dhinaca kale  Wasiirkii Hore Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawed ayaa ku gacan saydhay xilkii safiirnimo ee Madaxweyne Farmaajo u magacaabay. Wuxuuna  ka mahadceliyay mudadii uu dawlada lasoo shaqeeyay balse wuxu sheegay inaanu diyaar u ahay xilka loo magacaabay .

“Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna.” Ayuu yidhi Wasiir Cawed oo caawa laga qaaday xilkii Wasiirka Arrimaha dibadda isla markaana Farmaajo u magacaabay safiir aan la shaacin dal uu fadhiisan doonno.