Qarax Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Mgaladaasi uu ka dhacay Qarax Xooggan.

Qaraxa ayaa ka dhacay Dhanka waqooyi ee Maamulka Puntland ay ka arrimiyaan Magaalada Gaalkacyo, waxaana kasoo baxaya warar kaal duwan oo ku aaddan Qaraxaasi sida weyn looga maqlay Xaafadaha Magaalada.

Dad Goobjoogayaal ah oo ku sugan Gaalkacyo ayaa inoo sheegay in ay maqlayeen Jugta Qaraxa iyo uuro Cirka isku shareertay oo laga arkayay Xaafadaha Magaalada ay ka Kooban tahay, gaar ahaan dhanka Waqooyi ee Maamulka Puntland.