Madaxweynihii Hore Ee KGS Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mohamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Hoygiisa ku Qaabilay Madaxweynihii Hore ee Maamulka Koonfur Galbeed sidookalena ah Gudoomiyaha Xisbiga Horu-socod Qaran Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa labada mas’uul waxa ay kaga hadleen xaaladda Siyaasadeed ee dalku marayo hadda, gaar ahaan waxaa ay isla soo hadal qaadeen arrimaha doorashooyinka.

Shariif Xasan oo Muqdisho soo gaaray maanta aaya ka mid ah tiro siyaasayiin Murashixiin ah oo maanta soo gaaray Magaalada muqdisho.