Faransiiska Amarro Cusub Ku Soo Rogay Muslimiinta Ku Nool Dalkaasi

0

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Muslimka ee waddankiisa inay aqbalaan “axdiga qiyamka jamhuuriyadda”, waxaana Arbacadii  uu Golaha Muslimiinta Faransiiska (CFCM) u qabtay 15 maalmood inay ku aqbalaan axdigaas.

Golaha CFCM ayaa oggolaaday inuu sameeyo guddi qaran oo ay leeyihiin imaamyada Faransiiska, kaas oo sida la sheegay aqoonsi siin doona imaamyada, isla markaana kala laaban kara.

Macron ayaa si weyn u difaacay nidaamka calmaaniyadda ee uu Faransiiska ku dhisan yahay, isago taageero buuxda u muujiyay macallin qoorta looga jaray sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH oo u soo bandhigay ardaydiisa.