Beesha Caalamka Oo Soo Dhoweysay Doorashadii Ka Dhacday Hirshabeelle

0

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya waxa ay ku sheegeen in ay si dhow ula socdeen dhisiddii golaha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedkaa iyo sidoo kale diyaargarowga socda ee loogu jiro doorashooyinka federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxa ay xuseen in ay ku rajo weynyihiin kala shaqeynta Madaxweynaha Hirshabeelle horumarinta dhinacyada kala duwan.

“Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya waxay si dhow ula socdeen dhisiddii golaha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedka iyo u diyaargarowga socda ee loogu jiro doorashooyinka federaalka Soomaaliya.Waxaan ku hanweynahay inaan Madaxweynaha Hirshabelle ee dhowaan la doortay Cali Guudlaawe kala shaqeyno horumarinta dib u heshiisiinta, isu keenidda dhammaan beeelaha iyo bulshada reer Hirshabelle, la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata iyo wax ka qabashada arrimaha dowlad-dhisidda iyo dhaqan-dhaqaale ee hortabinta u leh Hirshabelle” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka