Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Oo Kulan La Yeeshay Hay’ad Caalami Ah

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa aaladda fogaan aragga kulan kula qaatay Mason Jocelyn oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka horumarinta mashaariicda ee UNDP,

Kulanka ayaa waxa uu ahaa mid muhiim ah, waxayna ku heshiiyeen in si wada jir ah loo fuliyo dhammaan arrimaha muhiimka u ah helitaanka Caddaaladda ee Soomaaliya iyo sidii bulshada ay u heli lahayd xukunno calaadda ah.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda mudane Cabdulqaadir, ayaa la wadaagay in uu ku faraxsan yahay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday inay xoojin doona u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.