QM Oo Ka Hadashay Geeridii RW Hore Ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib

0

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay geerida Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib oo shalay ku geeriyooday Magaalada hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Qoraal kasoo baxay QM ayaa lagu sheegay in Qaramada midoobay ay ka tacsiyeeynayso geerida ku timid Marxuumka, waxaana Qaramada midoobay ay xustay doorkii uu ku lahaa dalka intii uu ahaa Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Hoos ka aqriso Qoraalka kasoo baxay Qm

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ka tacsiyadeyneysaa geeridii ku timid Cumar Carte Qaalib, oo dalkiisa u soo shaqeeyay sanado badan, isaga oo ah Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda. Sawirada halkan ka muuqda, waa mar uu guddoominayey shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ugu horreeyey ee abid lagu qabto Afrika – kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa sanadkii 1972.