Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Galmudug Iyo Xasan Sheikh?

0

Madaxweynaha DowladGoboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa la kulmay Madaxweynihii hore dowladda Soomaaliya ahna Hoggaamiyha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xasan Sheikh Maxamuud iyagoona ka wada-hadllay arrimo la xiriira geedi-socodka Doorahada 2020-2021.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah loogu lafaguray maareynta marxaladda kala- guurka ah si hannaanka doorashadu u noqdo wada-ogol ah, loo dhanyahay isla markaana loo simanyahay.

Hoggaanka Galmudug ayaa gundhig u ah geedi-socodka doorashadan, oo dhanka ka qeybgalka dadweynaha iyo deegaan doorashadaba kaga ballaarran middii 2016.