Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Soo Saaray Habraaca Doorashada Xildhibanada Gobolada Waqooyi

0

Guddoomiyaha Golaha  Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa  saaray qoraal ku aaddan Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi.

iyada oo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee doorashada Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi kaga duwan yihin doorashooyinka kale ee ka dhacaya dalka intiisa kale oo uu kajiro Maamul goboleed lagana jawaabayo walaaca & kalsooni darrada ay ka qabaan  musharixiinta kuraasta Baarlamaanka & musharixiinta Madaxweynaha ee doorashada 2021 lana raacayo heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo & dowlad Goboleedyada lagana tashtay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi uu soo saaray hanaanka maamul iyo  habraaca doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.