Garaad Cabdullahi Cali Ciid oo Turkiga ku Geeriyooday iyo Xasan Cali Khayre oo ka hadlay

0

Alle ha u naxariistee waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo kamid ahaa Isimada dhaqanka Soomaaliyeed, Gaar ahaanba Beesha dooratay ee (Warsangeli/Daarood).

Waxaa tacsi ka diray Geerdida Garaad Cabdullaahi Masuuliyiin kala duwan, waxaana kamid ahaa Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlay waxyaabaha uu ku Xasuusto.

Waxaan umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan ehelada iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyeynaya geerida naxdinta leh ee ku timid Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo kamid ahaa hoggaanka dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed, ahaana afhayeenkii isimadda Puntland.

Waxaan Garaad Cabdullaahi Cali Ciid horey ugula kulmay magaalada Gorowe, wuxuuna i siiyay talooyin ay ka muuqatay xilkasnimo, waayo-aragnimo, waayeelnimo iyo odeynimo, kuwaas oo dhamaantood aan wali xusuusto.

Waxaan ku xusuustaa inuu ahaa qof aan la gabban runta, dhab ka hadal ah, ahaana qof ay lexjeclo xooggan ka heysay dib usoo noqoshada Soomaaliya mideysan shacab iyo hoggaanba iyo in hoggaanka dhaqanka iyo siyaasaddu ay noqdaan talo wadaag, wax iska weydiiya, kana wada tashada sidii dareenka shacabka loogu jiheyn lahaa dowladnimo dhameystiran oo dalkeena dib uga hana qaadda

Inaa ilaah waa ileyhi raajiciin, naf walbaa waa tii geeri dhadhamisa.