DHAGEYSO:- Xasan Sheikh oo ka horyimid Doorashada kana digay in Xaalada Dalku ay ka Faraha ka baxdo

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay marna la aqbali doonin qaabka dowladda wax u wado ee la doonayo in doorasho lagu aado.

Xasan Sheekh ayaa wareysi uu bixiyay waxaa uu ku sheegay in Guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada laga qoray hey’adaha amniga dhexdooda oo lagu soo daray ciidamo.

“Lagama yeelayo sida ay rabaan marna ma dhaceyso sida hadda wax u qaabeeyaan inay doorasho u dhacdo oo wiilashooda askarta ah inta dadka u afduubaan oo liis Xildhibaano la qortay la keensado”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in sida hadda wax u socdaan aanu jirin qof raalli ku ah, isla markaana doorasho aanay dalkaan uga dhici karin.

“Ma ahan doorasho waa diidnay iyo kama qeyb galeyno, doorasho dalkaan kama dhici karto sidaa kuma dhici karto, waa idin ku tumanayaa iyo saan anaga rabno idin ka yeelayaa iyo meesha waa iska sii joogayaa, malaga yeelayo, hortiis jiraa waayay, Madaxweynaha lagama yeelayo, yeyna gaarsiin ayaa leenahay dalkaan meel taladu faraha ka baxdo.”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhowaan Muqdisho ay ka dhici doonaan shirar siyaasadeed oo looga tashanayo xaalada dalka, isla markaana wixii maslaxada dalka iyo dowladnimada loo arko lagu dhaqaaqi doono maalin cad.