DEG DEG:- Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax xooggan oo goordhaweyd ka dhacay duleedka Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare ka dhashay Qaraxaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay degaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho, waxaana la sheegay in lala beegsaday Maqaayad ay ku sugnaayen Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Goob joogayaal ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegayn in Qaraxu uu ahaa mid xooggan, waxaana jugtiisa laga Maqlay Xaafadaha ku teedsan halka qaraxa lala beegsaday, waxaana si gaar ah uu uga dhacay qaraxu Shanta Golaha Sare ee degaanka Lafoole.

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, balse dadka degaanka ayaa soo sheegaya in uu jiro khasaare maaaddama uu ahaa qaraxu mid xooggan.

Qaraxa ka kadiib Ciidanka Dowladda ayaa gaaray halka wax ka dhaceen, waxaana ay sameeyeen howlagallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay falkaasi, inkastoo aan la sheegin cid loo soo qabtay qaraxaasi.