Soomaaliland oo hakisay wada shaqeynta kala dhexeysa Q.M

0

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Qorshaynta iyo  Horumarinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in la hakiyay dhamaan  wada-shaqeyntii kala dhexeysay Soomaaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Qoraalka wasaarada ayaa lagu sheegay in la hakisay dhamaan Shaqooyinkii iyo howlihii kale oo ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaannada ka tirsan Soomaaliland.

Sidoo kale qoraalka ayaa la sheegay in talaabadan ay dhaqan gashay shalay oo taariikhda ay ku beegneed 25-10-2020.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay in soomaaliland ay hakiso dhamaan shaqooyinkii ay ka waday deegaanada ka tirsan Soomaaliland.