Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ku wajahan Jowhar

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta lagu wado in magaalada Muqdisho ay ka baxaan wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi  oo qeyb ka noqonaya dedaallada la doonayo in lagu dhiso maamulka labaad ee maamulka Hir-shabelle.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu khilaaf xooggan uu harreeyay dhismaha labaad ee maamulka Hirshabelle, xilli cabasho ay muujiyeen beelaha qaar ee degan deeagannada Maamulkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda soomaaliya General Muqtaar Xuseen Afrax iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, si ay u soo ogaadaan cabashada ay qabaan dadka reer hiiraan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maanta sidoo kale ay magaalada Jowhar ay gaari doonaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,  si ay u xaliyaan khilaaf la sheegay in uu ka taagan yahay dhismaha maamulka cusub ee Hirshabelle.

Maalmaha soo aaddan ayaa la filayaa  in lagu dhawaaqo liiska xildhibaannada cusub ee Hirshabeelle intaa kaddibna la guda geli doono doorashada guddoonka golaha wakiillada kaddib markii la dhaariyay xildhibaannada cusub.

Doorashada guddoonka golaha wakiillada Hirshabelle ayaa waxaaa ku xiga doorashada madaxweynaha maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa