Daacish Oo War Kasoo Saartay Weerar Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Ururka Daacish ayaa ka hadashay weerar loo adeegsaday Bastoolad oo duhurnimadii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu qaaday Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka.

Daacish ayaa sheegtay in rag hubeysan oo ka tirsan Ururkooda in weerar ay ku qaadeen Saddex Askari oo dowladda kamid ah, xili ay ku sugnaayeen xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Daacish.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Daacish laguna daacabay Wakaaladda Wararka u faafisa ee Acmaaq ayaa waaxa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay Muqdisho ku dileen Askari ka tirsan Ciidanka dowladda.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Askar kamid ah Ciidanka dowladda iyo rag hubeysan ay Israsaaseyn ku dhexmartay xaafadda Xoosh ee dharkeenley, waxaana halkaas ku dhaawacmay Askar, halka ragii hubeysnaa mid laga dhaawacay, lana qabtay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan Israsaaseyntii ka dhacay Muqdisho, hayeeshee waxaa xusid mudan in Daacish ay sheegato dilal dhif iyo naadir ah oo ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Daacish oo ku qornaa Luuqada Carabiga.