Waare Oo Magacaabay Xubnaha Hirshabeelle Ku Metelaya Guddiga Doorashada

0

Madaxweynaha dolwad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay xubnaha Hirshabeelle ugu metelaya Guddiga Doorashada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa Guddiga Doorashada Heer Federaal ugu magacaabay laba xubnood, kuwaasi oo kala ah Cabdinaasir Maxamed Guuleed iyo Maxamed Maxamuud Caddow.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Farxiyo Maxamed Guuleed iyo Liibaan Cusmaan Nuur u magacaabay Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo horey Madaxda dowladda iyo maamul Gobooleedyada ugu heshiiyeen.

Madaxda maamul Goboleedyada, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland ayaa  horey u soo gudbiyay xubnaha xubnaha ku metelaya Guddiga Doorashada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaana harsaneyd Hirshabeelle oo ugu dambeyn soo magacaawday.