Kal-Fadhiga 47-Aad Ee Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Furmaya

0

Waxaa Maanta oo Axad ah la wadaa in Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu si rasmi ah uga furmo kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland, kadib markii uu dhammaaday kal-fadhigii hore.

Munaasabad furitaanka kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaano, Wasiiro, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin  kale.

Madaxweye Saciid Deni ayaa Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka ka jeedin doona Khudbad uu uga hadli doono arrimo kala duwan oo ku aadan Puntland, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha Doorashada.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee Munaasabadda furitaanka kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland, waxaana Xarunta Golaha kusii qul-qulaya Mas’uuliyiinta.

Ammaanka guud ee Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Munaasabadda lagu qabanayo.