Al-Shabaab Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag

0

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay la wareegeen gacanta deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo ay kala maamulan Puntland iyo Somaliland.

Dad ku sugan qeyb kamid ah Sanaag ayaa sheegaya inay arkayeen Al-shaabab oo gudaha uu soo galayay deegaano ka tirsan Gobolka, isla markaana ay la wareegeen, iyada uusan dhicin wax dagaalka ah.

War qoraal ah oo Al-shabaab barahooda dhinaca Internet-ka ku qoreen ayaa waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanada kala ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaasi oo dhammaantood ku yaalla duleedyada degmada Laasqoray ee Sanaag.

Sidoo kale Shabaabta ayaa sheegtay inay la kulmeen Waxgarad ku sugnaa deegaanada ay qabsadeen, isla markaana muxaadarro u soo jeediyeen dadka oo ay isugu geeyen goob fagaare ah oo ku taalla halkaas, sidoo kalena gacanta ay ku dhigeen gaari siday Khamri.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulada Puntland iyo Somaliland oo ku aadan qabshada dagaalamayaasha Al-shabaab ee deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo labada maamul ay ku kala sugan yihiin.