Golaha Wasiirada Cusub Ee Xukuumadda Soomaaliya Oo La Dhaariyay

0

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dhaariyay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Federaalka oo Xildhibaanada Golaha Shacabka Codka kalsoonida ah siiyeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka hortooda ku dhaariyay dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada Cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo isugu jira xubno Cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u hambalyeeyay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda, isagoo u rajeeyay in shaqooyinka uu Alle u fududeeyo.

188 Xildhibaan oo kulankii Maanta goobjoog ka ahaa ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, ma jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.

Golaha Wasiirada ayaa waxaa horyaalla shaqooyin dhowr ah oo laga sugayo inay qeybtan,  waxaana qeyb ka tahay dardar-gelinta Arrimaha Doorashada dalka ee 2020/2021 , iyagoona heysta muddo kooban, maadaama muddo xileedka Madaxda dowladda uu  waqti yar ka harsan yahay.