Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub Ee RW Rooble

0

Waxaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ah mid xasaasi ah.

Kulanka ayaa waxaa furay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isla markaana waxaa goobjoog ka ah 188 Xildhibaan oo goor sii horreeysay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka Golaha.

Ajendaha kulanka ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay u codeynta Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo isugu jira xubno Cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseeb Rooble, isagoona Xildhibaanada ka dalbay in Codka kasooniada ah siiyaan Golaha Wasiirada Cusub.

Intaas kadib Xildhibaanada Giolaha Shacabka ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda, waxaana u Codeysay 188 Xikldhibaan oo fadhiga soo xaariday, ma jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada Codeynta, waxaana uu shaaciyay in Golaha Wasiirada sidaas lagu ansixiyay.