Dowlada oo sheegtay inay dishey sarkaal u qaabilsanaa Maaliyadda Al-Shabaab

0

Ciidamada dowlada ayaa sheegtay in howglal qorsheysan ay ku dishey sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab una qaabilsanaa arrimaha Maaliyadda.

Warbaahinta dowlada ayaa shaacisay in ciidanka Kumaandooska Danab ay howlgal qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, ayna ku dileen 6 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa maaliyadda gobollada Shabeellooyinka.

“Horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) ayaa lacagaha baadda ah ka qaadi jiray dadka shacabka, si ay ugu adeegsadaan dhibaataynta shacabka oo ay ugu horayso qaraxyada ay la beegsadaan goobaha ay ku badanyihiin rayidka.”ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Danab.

Ciidanka ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxey burburiyeen goobo Al-shabaab ay shacabka uga qaadi jirtay lacagaha, iyagoo sidoo kalana soo saaray miinooyin maleeshiyadu ay ku aastay waddooyinka ay isticmaalaan shacabka.

Dhowaan ayaa sidoo kale ciidamada DANAB ay ku dileen duleedka degmada Afgooye sarkaal ka tirsanaa ururka Alshabaab.