Taliye Ku-Xigeenkii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Geeriyooday

0

Alla ha u naxriistee waxaa dalka Ingiriiska Caasimaddiisa London ku geeriyooday Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibow) oo muddooyinkanba ku sugnaa dalkaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid.

“Waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Qoyska iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid taliye kuxigeenkii ciidanka Booliska Soomaaliyeed,oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska,waxaana alle uga baryaya in naxriistiisa Janno uu ka waraabiyo”. Ayuu yiri Taliye Xijaar.

Warar la helayo ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsanayay Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibow), hayeeshee uu Maanta u dhintay.