DAAWO:-Khaatumo oo ka baxday Heshiiskii Somaliland, Kadib Geeridii Prof. Cali Khaliif Galaydh

0

Waxaa Shir isugu yimid magaalada Buuhoodle Qaar kamid ah Labada Golle ee Maamulkii Khaatumo,Waxayna ku dhowaaqeen inay ka baxeen Wahadalkii ay horay ula fureen Somaliland.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu dhowaan Geeriyooday Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh iyadoo aan Weli la fulin Heshiiskii uu la galay Somaliland, Sanadii 2017 , Gaar ahaan Xukuumadii Axmed Siilaanyo.

Gudoomiyaha Baaralaanka Khaatumo Maxamuud Sheikh cumar oo horay uga mid ahaa dadkii Goobjooga ka ahaa Heshiiskaasi, ayaa Go’aanada maanta Warbaahinta u Akhriyey.

“Wadahadalkii Maamulada Khaatumo iyo Somaliland, laga bilaabo maanta waanu hakinay, Cid nagu metasha ma jirto“.

Bulshada Khaatumo waxaanu ugu baaqaynaa inay isugu yimaadaan shir looga hadlayo Aayaheeda”.

Waxaanu u joojinay Wadahadalkii Somaliland inaanu dib uga tashano, Mid maamul, Mid Goleyaasha Khaatumo ah iyo Siyaasiyiintaba “. Ayuu yidhi Maxamuud Sheikh Cumar.