Wasiir Beyle Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya

0

Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Wasiir iyo Safiir Staffan Tillander ayaa waxaa looga hadlay Is-badalka Maaliyadda dalka, iskaashiga dhaqaalaha iyo taageerada Sweden ay siiso dowladda Federaalka.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo dowladda Sweden, isla markaana Sweden ay kordhiso taageerida ay siiso dowladda.

“Waxaa maanta Xarunta W. Maaliyadda kula kulmay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander oo aan ka wada hadalnay isbadalka Maaliyadda iyo taageerada ay siiso Dowladda Federal ka Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan  Beyle.

Dowladda Sweden ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana labada dowladood ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan.