Ganacsade Muqdisho Caan ah oo Taageeray Alshabaab iyo Ciidanka NISA oo Xabsiga dhigay

0

Ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xidhay ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah dadka ugu taajirsan Soomaaliya.

Abuukar  Cumar Cadaan ayaa waxaa lagu eedeeyey taageero Alshabaab iyo dhiiri-gelinta rabshadaha iyo Qaraxyada, Kaidb wareysi uu Jimcihii siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu  si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Alshabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta.

“Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yidhi Abuukar Cadaan.

Dhawaan ayey sidaan oo kale NISA u xidhay walaalkiis Maxamuud Cumar Cadaan, kaas oo lagu eedeeyay inuu la macaamilay Alshabaab.