DAAWO:-Muuse Suudi Yaxalow oo Khudbad la yaab leh u jeediyey Beesha uu kasoo Jeedo

0

Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ahaa Hogaamiye Kooxeedyaddii dalka, Islamarkaana hada ah  Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka, ayaa Khudbad  u jeediyey Beesha uu kasoo jeedo , Isagoo kula dardaarmay arimo la yaab leh.

“Mudulood Baarlamaam la gama Rabo,  Madaxwayne Raba ma Joogo, Raysal wasaare Raba masoo marin,  Hadana inay is xoreeyaan Mooyee, Qof wax u Qabanaya oo ma jiro, waxaa la rabaa inay Dhulka ka kacaan “  Ayuu yidhi Yalaxow.

Muuse Suudi  Wuxuu dardaaran Adag u jeediyey Hogaamiye Dhaqameed  Cusub oo maanta ay ku Caleemo saareen,  wuxuuna u sheegay inaan laga aqbali doonin inuu baal maro howsha loo doortay, sidoo kalana aan laga yeeli doonin inuu dantiisa gaarka ah ka shaqeeyo.

Dhinaca kale Muuse Suudi ayaa  Beeshiisa kula dardaarmay inay Nacaan, dadka Neceb ee maamulada sida uu hadalka u dhigay.

“Maamul Goboleedyadda dalka iyo dadkeeda kuwii idin Neceb,  sida ay idiin naceen idinkuna u Naca, Qofkii Quudhsada, waa la Quudhsadaa,    Sidoo kale waxaa  la idin nacay  Ciidanka Booliska, Milatariga, Nabad sugida, Asluubta,  Waxaana la idinku nacay Baari nimada, Waxaana hada la marayaa in