DAAWO:-Galmudug oo Horumar ku tartamaysa iyo Qoorqoor oo Furay Jaamacad Cusub

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo  ku sugan magaalada Guriceel ayaa ka qeybgalay xafladda Daahfurka Jaamacadda Caynul-Xayat.

Xafladda oo si aad ah loo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin sare oo uu ka midyahay Wasiiro dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan golayaasha Dowladda Galmudug, masuuliyiin ka kala socotay Jaamacadaha waaweyn ee Dalka iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad kooban ka jeediyay xafladda daahfurka Jaamacadda Ceynul Xayat ayaa boggaadiyay aasaasayaashii Jaamacadda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay ahmiyadda ay Jaamacaddan u leedahay deegaanka iyo guud ahaan Gobolka.

Ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa balanqaaday in Galmudug sare u qaadis ku sameyn doonto tacliinta sare oo haatan ah baahiyaha ugu weyn ee ka jira deeganada Galmudug.