Xasan Sheekh;”Waxaan bilaabaynaa Ololaha Doorashada marka la doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka.”

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xilliga ay si rasmi ah u bilaabayaan mucaaradka gaar ahaan Madasha Xisbiyada ololaha doorashada dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaamiya mid ka mid ah xisbiyada ku bahoobay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in marka la doorto guddoomiyaha baarlamaanka ay si rasmi ah u bilaabi doonaan olalaha doorashada madaxweynaha dalka.

Wareysi uu siiyay mid ka mid ah taleefishinada dalka ayuu Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku sheegay in ay dhici karto in hal musharax ay iska soo dhex xulaan amaba ay kala tartamaan,balse waqtigeeda arrintan la shaacin doono.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Xasan Sheekh in doorashada lagu heshiiyay mid ka weyn ay dhankooda u diyaar garoobeen, isaga oo ka digay in la fashiliyo qabsoomida doorashada ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada.