War-Farxad leh : Garoonka Muqdisho Stadium oo FIFA u Aqoonsatay Garoon Caalami ah

0

Ururka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa Garoonka Kubadda cagta ee magaalada Muqdisho u aqoonsatay garoon Caalami ah.

Muqdisho Stadium waa War farxad leh in loo Aqoonsaday Garoon Caalami ah, Waxayna tani ka dhigan tahay inuu Martin doono kulmo Ciyaareed oo Caalami ah.

Xulka Ciyaartooyda Soomaaliya ayaa markii hore ku ciyaari jiray dalal shisheeye, Sidoo kalana ma aysan Jirin Ciyaaro Heer Caalami ah oo ka dhici jiray Gudaha dalka.

Dowladda Soomaaliya ee Madaxwayne Farmaajo uu Hogaamiyo ayaa dhawaan dib u furtay garoonkan oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya.

Waxaana  Garoonka Muqdisho Stadium uu kamid ahaa Goobo Taariikhi ah oo lagu dhisay Barnaamijka Isxilqaan.