Madaxweyne Farmajo oo ugu baaqay dowlada Maraykanka inaysan ciidamadeeda kala bixin Soomaaliya

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay taageerada milateri ee uu ka helo wadanka Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in taageerada milateri ee uu Mareykanka dalkiisa siiyo ay u suuragelisay Soomaaliya inay si wax ku ool ah ula dagaalanto ururka Al-Shabaab, ammaan-na laga dhigo Geeska Afrika.

“Howlahaam waxaa lagu guuleysan karaa oo kaliya haddii uu sii socdo xiriirka dhanka ammaanka ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee ku salaysan taageerada aasaasiga ah.”ayuu ku daabacay bartiisa twitterka Madaxweyne Farmaajo.

Dhowaan ayaa waxaa lagu daabacay jariirada Bloomberg in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu ciidammada dalkiisa ka soo saaro Soomaaliya.