Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Oo Sheegay In Ay Dileen Xubin Sare Oo Tirsan Al-Shabaab

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa  sheegay in ay weerar dagaal ah ku dileen ku dhawaad 50 dagaalama ka tirsan Al-Shabaab iyo Madaxii Howlgalinta ee Shabellaha Dhaxe u qaaabilsanaa Al-shabaab

Dagaalkaan  ayaa dhacay galinkii Dambe ee shalay waxa uuna ka dhacay tuuladda Bululow ee Degmada Afgooye.

Saraakiil is tirsan Ciidanka kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in dagaal shalay ka dhacay tuulada bululow lagu dilay in ka badan 50 dagaalaame ah iyo madaxii  howlgalinta Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Shabellada dhaxe.

Saraakiisha Danab ayaa Horjogaha la dilay waxa ay magaciisa ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow oo Shabaab u qaabilsanaa Howlgalinta

Ugu dambeynti Saraakiisha Kumaandooska waxa ay sheegeen in gaari dheyno ah oo lagu daabulay meydadka Dagaalamayaasha  iyo Taliyaha la dilay ay shalay Shabaab ku Aaseen tuulada buulo yareey shiiqaal oo ka tirsan Shabellada dhaxe