Al-Shabaab oo weerar ku qaaday duleedka Degmada Dhoobley

0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka degaanka Taabta oo hoosta  degmada Dhoobleey Gobolka Jubbada Hoose, sida uu soo sheegayaan wariyaal halkaas ku sugan

Dagaalka ayaa ka dambeeyay , kaddib markii sida la tilmaamay  ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Taabta, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaro kala duwan.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi