Taliyihii Danab oo xilkii laga qaaday iyo Taliye cusub oo la magacaabay

0

Taliyihii guutada 16-aad ee ciidanka kumandooska Soomaaliya ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimalik Maalin oo dhawaan shaqa joojin lagu sameeyay ayaa xilkii laga qaaday, waxaana Danab loo magacaabay Taliye cusub.

Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur (Beeryare) ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka kumaandooska, waxuuna Beeryare horay u ahaa Abaanduulaha Guutadaas.

Taliyihii isaga ka horeeyay Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa shaqo joojin loogu sameeyay mar sii horeysay, waxaana la sheegay in arrimo siyaasadeed shaqada looga joojiyay.

Sarkaalkan cusub ee loo magacaabay Taliyaha Danab ayaa tababarro kala duwan ku soo qaatay dalalka Uganda,Itoobiya, Turkiga iyo Maraykanka.

Sidoo kale xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay ciidanka kumandooska Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo laga xusay Taliye Koox, Taliye Hurin, Taliye Saadka iyo Abaanduulaha Danab oo waayihii dambe uu ahaa.

Sanadkii 2013-kii ayuu Gaashaanle Beeryare ka mid noqday ciidankii dib loogu aasaasay ciidanka kumandooska Soomaaliya ee Danab oo qeyb ka ah milateriga Soomaaliya.