Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Geeriyooday

0

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa Goordhow ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu magacaabi jiray Cabdikariim Aw Cali Shabeel.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaan Cabdikariim uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay gudaha Hargeysa, hayeeshee xanuunkii uu haayay u geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Eheladiisa.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale ayaa tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo kamid ahaa Golaha Wakiilada Maamulkaas.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa weli ka hadlin geerida Allaha u naxariistee Marxuum Cabdikariim oo la sheegay inuu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay.