Wakiilada Beesha Caalamka Oo Gaaray Baydhabo Lana Kulmay Lafta-Gareen

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Lafta-gareen iyo James Swan ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Gargaarka, amaanka iyo horumarka dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Sidii Qaramada Midoobay ay kaalinteeda uga geysan lahayd .

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha soomaliya James Swan ayaa dhankiisa sheegay inay wax ka qabanayaan Xaaladaha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed si dhowna ay ula shaqayn doonaan maamulkaas.